Skip to main content

Habka aan waalidka u caawinno

PACER Center waa urur warbixinno iyo caawimaad u fidiya waalidka leh caruurta laxaadka la’a.

Habka PACER u caawisa qooyska:

  • Wax qabad shaqsi ah oo warbixin telefoonka lagugu siiyo iyo mid xagga kulanka lagaa caawiyo oo lagu wehliyo.
  • Tababar (Workshop) oo loogu tala galay waalidka iyo dadka la shaqeeya ardeyda. Tababaradan oo ah kuwo joogto ah laguna qabto gobolka Minnesota.
  • Waxyaabaha waxtarka waxaa ka mid ah qoraalo daabacan iyo kuwo kale oo kala gedisan ee laga heli kara intarnetka.

Halkeen ka bilaabaa?

Waxaad soo waci kartaa PACER (lacag la’aan) 1-800-537-2237. Waqtiyada xafiiska furanyahay waa 8:00 am -- 5:00pm Isniinta -- Jimcaha. Waxaad kaloo nagula soo xiriiri kartaa E-mail.

Wax qabadku ma mid lacag ah baa?

Maya. Wax qabadka PACER badi waa mid lacag la’aan ah. PACER waxa dhaqaalaha siiya dawladda dhexe, ururo kale, iyo shirkado kale ee madax bannaan.

Marka aan soo waco maxaan ka filaa?

Waxaa lagu wediinayaa su’aalo caadi ah si aan kugu gudbinno qof su’aalaha aad qabto kaa caawini kara. Shaqaalaha PACER laftigooda waa waalid leh ilmo naafo leh oo fahmi kara dareenkaaga, diyaarna kuula ah waxii caawinaad ah ee adiga iyo ilmaha aad dhashay u baahan yihiin.

Ka waran hadii aan hubin in PACER icaawini karta?

Na soo wac oo hubso! PACER waxey leedahay barnaamijyo ka badan 30, waxaa dhici karta in si aadan ka warqabin kuu caawini karno. PACER waxey caawisaa qoyska iyo dad badan oo qoyska wax u qabta oo ka kala socda degmada, gobolka iyo wadanka guud ahaan.